Haweeney Maalqabeen ah oo Lagu Eedeeyay Afduubka Caruurteeda…

World

Waxaa isbedel weyn ku yimid kiis iyo Baarista afduubka labada carruur ah ee ay dhashay Christina Block, oo ah dhaxal-sugaha uu dhalay Malqabeen Germany u dhashay, kadib markii koox Calooshood u shaqeysatayaal qandaraas ku siisay in 1-dii January soo afduubaan Caruurteeda oo ku sugnaa Dalka Denmark..

Hey’adaha Amaanka Denmark ayaa soo saaray baafin iyo amar qabasho oo Europe gudaheeda ah, lana xiriirta afduubka 2-Caruur ah oo ay u dhashay Nin u dhashay Dalka Denmark sababtoo ah waxaa lagu eedeeyay in caruurteeda wax ka qorsheysay afduubka, xilli ay Denmark kula noolaayeen Aabahood Stephen Hensel.

Haweeneyda ayaa kireysatay Laba Nin oo horey uga tirsanaa Sirdoonka (Israel) Mossad, kuwaasoo la sheegay in habeenkii Sanadka cusub ay laba gaari soo kireysteen iyo 6-Shaqaale oo howlsha afduubka u fududeeya, kuwaasoo ku guukeystay howlgalka kafibna Haweneyda ugu geeyay (Caruurta) Gurigeeda oo ku yaal Magaalada Hamburg, isla markaasna si hal haleel ah uga baxeen Dalka Garmeny inta aysan dareemin Hey’adaha Amaanka.

Warqada qabashada ayeey Boliiska Denmark u gudbiyeen Boliiska Magaalada Hamburg, iyadoo lagu wargeliyay ineysan degmada ka bixi karin, waxaana lagu amray iney soo sheegto dhaqdhaqaaqeeda, Haweeneydaan ayaa Ninkii qabi jiray u dhashay 3-Caruur sh mid iyadaa geystay halka 2-kale ay ka noolaayeen Aabahood.

298750cookie-checkHaweeney Maalqabeen ah oo Lagu Eedeeyay Afduubka Caruurteeda…
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com