Magaalada Garoowe Oo Lacago Cash ah La Geeyay & Shacbiga Oo Cabsidooda weli Taagan Tahay..

Somalia news

Waxaa xowli ku socoda qabanqaabada qabashada Doorashada xilka Madaxweynaha Puntland oo lagu wado in la qabto 8-da January 2024-ka (Isniinta), Musharaxiinta Xilka dooneysa laga rabo 30-kun US$ halka kuxigeenka laga rabo 15-kun US$, iyadoo musharaxiinta Mucaaradkana ay ku dhawaaqeen Isbahaysi ay ku midoobeen si ay talada uga tuuraan madaxweyne Deni…

Waxaa indhaha lagu hayaa Dhaqdhaqaaqa dhinaca maaliyada ah, xili 2-dii maalmood ee u dambeeyay ay gaareen magaalada Garoowe Lacago Dhowr Millions US$ kuwaasoo Musharixiinta iyo dhinacyo kale duwan heleen, taasoo doorashada loo isticmaali doono, iyadoo la qiyaasaayo in Xildhibaankii uu ka macaasho codkiisa 50-60.000 US$ 44-cod ayaa Mafaxweynaha lagu dooranaya wareega hore.

Ilo wareedyadu waxaa tilmaamayaan in Musharax kasta uu sheeganaaya inuu heysto 15-18 cod, tiradda Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa Xaqiiqadu tahay 66-Mudane, 4-5 Musharax ayaa ilaa hadda Is reebreeb kujira, iyadoo 4-ka mid ah ayaa kor u socodkooda sareeyaa, inkastoo ay jiraan dul duleelo ay leeyihiin, 7-da Bisha ayaa la filayaa ine wax badan Isbedelaan.

Dhanka Amaanka Magaalada, weli waxaa taagan khilaafyadii sababay muranka doorashada xitaa waddooyin ka mid ah magaalada Garoowe ayaa wali xiran inkastoo uusan ahayn sidii hore, Balse Dadka Rayidka ayaa cabsi iyo wel wel waxaa ka heysta in Boob uu dhaco kaasoo horseedi kara dagaal, iyo Deni oo Martiqaad u sameeyay Xildhibaanada cusub.

298790cookie-checkMagaalada Garoowe Oo Lacago Cash ah La Geeyay & Shacbiga Oo Cabsidooda weli Taagan Tahay..