Haweeney Soomaali ah oo Lagu Eedeeyay isku day Dil Shaqaale Gurigeeda ka Shaqaynaysay…

Africa News

Wararka naga soo gaaraya magaalada Nairobi ee Dalka Kenya ayaa sheegaya in Haweeney Soomaali/Kenya ah ayaa ka soo hor-muuqtay Maxkamada degaanka, kadib markii lagu eedeeyay iney isku dayday iney mindi ku disho gabar Shaqaale uga aheyd oo gurigeeda ku nool xilli ay ku eedeysay iney xiriir la sameysay ninkeeda…

Wararka ayaa sheegay in Eedeysane Leyla Cabdiqaadir ayaa loo haystaa eedaymo la xiriira inay isku dayday shaqo joojin iyadoo ujeedadu tahay iney ku kacdo dhibaato aad u weyn taasoo ka hor imanaysa qodobka 231 (b) ee xeerka ciqaabta, waxaa kaloo Eedeysanada lagu eedeeyay iney Maxkamada ku tooreysay Dhibanad Zuhura Isale gurigeeda oo ku yaal Xaafada South B ee magaalada Nairobi 11-kii Novembar 2023-kii.

Waxa la sheegay iney Ms Isale ku qasabtay iney ka booday daaqadaha guriga dabaqa koowaad ah xilli ay baxsanaysay, ka hor inta aanay ku soo degin balkoon-ka, Dhibanada ayaa lagu dabiibayaa Kenyatta Hospital kadib markii uu dhaawacyo kala duwan uu kasoo gaaray intii uu fal dambiyeedka socday, Dhaawacyo culus ayaa soo gaaray kadib markii ay Ms Cabdi heshay Ms Isale oo ninkeeda quraacda u siinaysa inkastoo digniino hore ay ka dhaga adeygtay, iyadoo uga digtay inantii guriga joogtay in aanay marnaba cunto siin ninka guriga.

Eedeyaanada ayaa lagu sii daayay damaanad dhan 200.000 Sh, Garsoorka ayaa go’aanka dhageysiga Kiiska balan sheegi doona 19-ka Feb 2024-ka, isagoo qaadista Dawcada uu bilaabi doono 29-ka March 2024-ka.

289570cookie-checkHaweeney Soomaali ah oo Lagu Eedeeyay isku day Dil Shaqaale Gurigeeda ka Shaqaynaysay…
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com