Haweeney Soomaaliyeed Oo Lagu Eedeeyay Arrimaha Argagixisada

Somalia news U.S.

Kadib markii ay Waaxda Cadaalada Mareykanka ay weydisteen Hey’addaha Garsoorka & Dowladda Holland in loo soo gacan geliyay Muwaadinad (Eedeysanad) u dhalatay Dalkaasi isla markaasna qaadatay 7-sano ayaa la sheegay in dhowaan laga dejiyay Dalka Mareykanka si loo Maxkamadeeyo..

Wararka ayaa sheegay in Eedeysanada Farxiya Hasan Oo 38-sano jir ah heysatana Dhalashada Somalia iyo Holland oo laga Eedeeyay iney Kooxda Argagixisada Shababka u uruurin jirtay Dhaqaale iyadoo kooxo kale oo Haween oo ku kala nool Europe, Waqooyiga America iyo Dalal, sanadihii 2010-kii ilaa 2014-kii, iyagoo ku xawili jiray Xawilaado ku yaal Nairobi (Kenya) iyo Hargeysa (Somaliland), Dhaqaalahaan ayaa lagu xusay Baarista in Hub iyo Gaadiid lagu Iibiyay.

Eedeysanada ayaa la hor geeyay Maxkamad ku taal Bariga Magaalada Virginia, iyadoo lagu Eedeeyay iney ka qeyb qaadatay maalgelinta Kooxda Argagixisada Shababka kuwaasoo dagaalo ka wada Konfurta, Gobolada Dhexe iyo Waqooyi bari ee Somalia, horey ayaa Gabdho kale oo Somalia ka soo jeeda loogu Eedeeyay iney taageero iyo taakuleyn u fidiyeen Kooxda Argagixisada Shababka.

Halkaan Guuji:-

https://www.justice.gov/opa/pr/dutch-national-faces-charges-participation-terror-financing-ring

148550cookie-checkHaweeney Soomaaliyeed Oo Lagu Eedeeyay Arrimaha Argagixisada