Maxaa Xiligaan Sheekh Shariif inuu Iska Xaadiriyo Kulamada Baarlamaanka & Dagaal-Diidkiisa Dastuurka..

Somalia news

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa Madaxwaynihii hore ee Dowladii KMG ah Shariif Sheekh Axmed ayaa iska xaadiray fadhiga  Xildhibaanada ee Barlamaanka Federaalka, iyadoo Golaha uu  todobaadyada soo socda uu sii ambaqaadi doono ka doodista iyo wax ka bedelka Dastuurka KMG ah, kaasoo abuuray jawi siyaasadeed…

Siyaasiinta diidan in la  furo Dastuurka KMG ah waxa ka mid Shariif Sheekh Axmed oo isaga dhowr jeer ku  celceliya inuusan ku qanacsanayn sida uu hadda wax u wado Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud, isla markaasna inta badan kama qeyb galo Kulamada Baarlamaanka xitaa haddi uu ku sugan yahay magaalada Mogadishu, sidoo kale Mr.Farmaajo ayaa loogu baaqay inuu dib ugu soo laabta Dalka.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in Saaxiibada Somalia ay culeys ku saareen inuu iska xaadiriyo Kulamada oi dooda socota aragtidiisa ka dhiibto, iyadoo laga yaabo iney waki kale u yeesho Dooda isla markaasna afkaartiisa ku soo bandhigo, In Dastuurka la qabyo tiro waxaa diidan Maamul goboleedka Puntland, iyadoo Saaxiibada Somalia ay dhinacyadaan is haya ku adkeeyeen iney ka heshiiyaan oo laga wada qeyb qaato dooda si loo helo Dastuur Dowladu ku shaqeyn karto.

309260cookie-checkMaxaa Xiligaan Sheekh Shariif inuu Iska Xaadiriyo Kulamada Baarlamaanka & Dagaal-Diidkiisa Dastuurka..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com