Qatar Oo Dhaqaale Ku Bixisay Joojinta Kiiska Ikraan Tahliil

Somalia news

Ilo Wareedyo loo qaateen ah oo laga helay Xubno aad ugu dhow Madaxweynaha Muddo xileedkiisu dhamaaday (Farmaajo) & Wasiirka 1-aad ee Dowladda Xil gaarsiinta (Rooble) ayaa sheegaya in Dowladda Qatar loo gudbiyay in heshiis hordhac ah laga gaaray Magacaabista Agaasimaha NISA & Joojinta Kiiska Ikraan Tahliil..

Xogtaan ayaa Warsidaha Diinah.com news u xaqiijisay in Kulan gaar ah Oo Golaha Wasiirada lagu ansixin doono Maanta Shaqsiga noqonaaya Agaasimaha NISA, iyadoo lagu wado in la kala xusho Xubno ay ka yihiin Xildhibaan Cabdiraxman Dheere, Qorooley ama Liibaan, iyadoo uu dhowaan la sheegay inuu Adeege Fahad Yasin ka soo noqday Magaalada Dooxa kana soo qaaday Dhaqaale and horey u balanqaaday Dowladda Qatar dhameynta Khilaafka, Taageerada Doorashada iyo Joojinta Kiiska Ikraan Tahliil.

Dhanka kale Warar ayaa sheegaya in Farmaajo, Qorqor iyo Fahad ay ku heshiiyeen in la boobo Kursiga #Hope-40 Oo ay horey u fadhiday Haweeney ka soo Jeeda Beesha Mareexaan, waxaana lagu heshiiyay in la siiyo Kursigaasi Xildhibaanimo Eedeysane Cabdullaahi Kulane (Jiis-Mareexaan) oo isaga Fahad lagu eedeeyay iney Dileen Sarkaaladii NISA Ikraan Tahliil.

148510cookie-checkQatar Oo Dhaqaale Ku Bixisay Joojinta Kiiska Ikraan Tahliil