Wabiga Shabeele oo ku Fatahay Xaafado hor leh oo ka tirsan Magaalada Baledweyne..

Somalia news

Wararka naga soo gaaraya magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in Wabiga Shabeelle ee dhexmara gudaha magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa saacadahii lasoo dhaafay ku fatahay xaafado hor leh oo ku yaala Baledweyne…

Wararka hordhaca ah ayaa sheegay in xaafadaha uu xalay ilaa saakay Wabigu ku fatahay ayaa ah qeybo ka mid ah xaafadaha Bundaweyn iyo Howlwadaag, kadib markii u wabiga xalay saqdii dhexe karkaarada uu jabsaday, iyadoo Dadkii dagana intooda badan ay horay uga barakaceen dhowrkii maalmood ee lasoo dhaafay, hase yeshee waxaa jiray Dad kooban oo ku harsana xaafadaha oo xalay habeen barkii biyaha guryaha ugu galeen.

Guud ahaan Magaalooyinka B/weyne, Beydhabo, Gaalkacyo, Garbahaarey, Doolow, Luuq iyo Baardheere ayaa Dadkii ku noolaa ka barakaceen, iyadoo lagu eedeeyay Hey’ada Maareynta Musiibooyinka lagu eedeeyay iney ka gaabisay inuu gurmad u fidiso marka laga reebo Degmada Baadheere oo 2-Doomood oo Hey’adaha Samafalka ugu deeqeen Dalka Somalia ka dejiyeen.

287130cookie-checkWabiga Shabeele oo ku Fatahay Xaafado hor leh oo ka tirsan Magaalada Baledweyne..