Baarlamaanka 11-aad & Rajada Laga Filan karo

Somalia news

Inkasta, Xildhibaanada Baarlamaanka 11-aad intooda badan ayaan ku soo bixin xulasho dadban oo xor & xalaal ah, haddana aragtiyo kala duwan, ayaa laga bixinayaa, nooca Hogaan ee uu Gudoonka u xuli doonaan Dalka inuu yeesho Sharci-dejiyayaal loo qaateen…

Falanqeeyayaasha Arrimaha gudaha, ayaa aaminsan, iney adag tahay in Xildhibaanada ay soo xushaan, hoggaan u diirnaxaya Dalka iyo Dadka, Sababta ugu weyn ayaa ah, in xubnahaasi badankoodu ay wataan shaqsiyaad, (Eedeysanayaal) ay ugu horreeyaan kooxda fadhisa Villa Somalia, halka kuwa kalana ay ku daaban yihiin maamul Goboleedyada qaarkood.

Caqabadaha muuqda

Caqabadda ugu weyn ayaa ah, in fara gelinta Dowladaha shisheeye oo iy dadaalaaya iney saameyn ku yeeshaan Codka Xildhibaanka, waana arrin nasiib darro ah oo soo shaac baxday dhowrkii sano ee ugu dambeysa.

Kalsoonida Shacbiga

Inta badan Xildhibaanada Baarlamaanka 11-aad, ma heystaan kalsoonida Shacabka, sababo la xiriira in aysan ku imaan rabitaankooda, taasina waxey horseedi kartaa hoggaan fadhiid ah, oo dalka cuuryaamiya muddo kale oo hor leh.

Talooyinka

Talooyinka loo jeedinayo, waxaa ka mid ah, in aysan soo celin mid la jaal ah, doorashadii ay ku soo baxeen, ee boobka ahayd, waxaana waajib ku ah in ay iska indha tiraan, cid kasta oo garab ku siisay, nidaamkii qaldanaa ee lagu doortay, maxaa yeelay waxaa hiil ka sugaya Malaayiin Soomaali ah, oo la il daran, Amaan darro, Abaaro, biyo la’aan iyo kuwo kale, waxaase la og yahay haddii ay ka leexdaan jidka cadliga ah, in arrintooda ay la micno tahay maah maahdii ahayd “Hal booli ah nirig xalaala ma dhasho” maaddaama ay codkoodii ugu abaal gudeen, Dadkii kuraasta u xoogay.

177460cookie-checkBaarlamaanka 11-aad & Rajada Laga Filan karo
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com