Maxaa ka Jira in Xasan Sheekh uu Kulan La Qaaday Wasiirka 1-aad & Agaasimaha NISA..

Somalia news

Macluumaad dheeraad ah ayaa laga helayaa kulan uu Madaxweynaha Somalia la yeeshay Wasiirka 1-aad ee Maamulkiisa iyo Agaasimaha NISA, waxaana laga wada hadlay Kulamada Mucaaradka, xiisadaha Doorashada Puntland iyo kan Xildhibaanada Baarlamaanka oo furmaaya 25-ka Bishaan, wada hadal saacado dheer qaatay ayaa la gorfeeyay caqabadaha iyo sida looga gubdi karo..

Xogo loo qaateen ah ayaa xaqiijiyay in kulankan gaarka ah looga hadlayo 2 qodob oo kala ah.

-Sidii Xildhibaanada Baarlamaanka loo marin lahaa wax kabedelka Dastuurka iyo go’aanadii Madasha Wadatashiga Qaran, loolan dagaalami lahaa dhinacyada diidan.

-Xiisadaha ku gedaaman doorashada Puntland, sidii doorka Villada ee ah garabsiinta dagaal dhaca loo dardargalin lahaa, xili maalmo kahor ay dhaqaale dirtay, diidan tahayna In Puntland ka hor guurto.

Xasan Gurgurte, ayaa maanta u duulay Dalka Tanzania si uu ula kulmo Madaxweynaha Dalkaasi, iyadoo lagu wado in Bisha soo socota ay Somalia ku biiri doonto Ururka EAC, inkastoo Dalal ka mid Ururkaasi oo ay ku jirto Dalka Tanzania ay soo saari doonaan Shuruuc la xiriirta xakameynta Dal ku galada Dalalka ku bahoobay EAC.

289240cookie-checkMaxaa ka Jira in Xasan Sheekh uu Kulan La Qaaday Wasiirka 1-aad & Agaasimaha NISA..