Dowlada Federaalka Oo Ardaydii Ugu Horeysay ka soo Saartay Dagaalka Sudan..

Africa News Somalia news

Dowladda Federaalka ayaa sheegtay iney Ardayda Soomaaliyeed ee ku xayiran Dalka Sudan ay u daadgureysay Dalka Ethiopia, sida uu VOA u xaqiijiyay Danjire Cabdiraxmaan Nuur Maxmed Diinaari oo ah ku-simaha xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda Arrimaha dibadda…

Danjiraha ayaa sheegay in ilaa hadda 50 ka mid ah Ardaydaasi la geeyay Gaadiid lagu geeyay xuduudda Ethiopia/Sudan, isla markaana ay Safaaradda Somalia diyaarisay gaadiidkii ardayda kale looga soo bixin lahaa dalkaasi, iyadoo intaas ku daray in maalmaha soo socda ay arday u gudbin doonaan gudaha Ethiopia, iyada oo kadibna loo qaadi doono Somalia.

Qaar ka mid ah ardayda Soomaalida ah ee sugan caasimadda Khartuum ee dalka Sudan, ayaa hore u sheegay inay dowladda Soomaaliya uga codsadeen inay ka daadgurayso dalkaas.

252560cookie-checkDowlada Federaalka Oo Ardaydii Ugu Horeysay ka soo Saartay Dagaalka Sudan..