Safiirka Ethiopia Oo Bilaabay U Ololeynta Dib u Doorashada Farmaajo

Somalia news

Macluumaad dheeraad ayaa laga helayaa Olole balaaran oo Danjiraha Ethiopia ee magaalada Muqdisho ka bilaabay dib u doorashada kadib markii uu codsaday inuu kulan gaar ah la yeesho Gudoomiyaha Baarlamaanka Aadan Madoobe…

Xogtaan ayaa u xaqiijisay Warsidaha Diinah.com news in Safriika Ethiopia uu si deg deg ah u bilaabay Ololeynta dib u doorashada Farmaajo/Kheyre, iyadoo Maamulka Addis abeba ay og tahay iney tahay xulufada dhabta Maamulka Fashilmay ee Farmaajo isla markaasna doonayaa in Gudoonka Cusub ee Baarlamaanka ay saameyn ku yeeshaan.

Waxaana looga digay Afhayeenka Cusub Ee Baarlamaank iyo Kaaliyayaashiisa ineysan ku kadsoomin khatarta ay maleegayaan Wakiilada Ethiopia isla markaasna ka taxadaraan Cidda ay la kulmayaan & ineysan xiligaan kala guurka ah wakhti ku lumin qaabilaada Danjirayaasha Dowladaha dhibka ku ah Danaha Qaranka Soomaaliyeed.

186270cookie-checkSafiirka Ethiopia Oo Bilaabay U Ololeynta Dib u Doorashada Farmaajo