Ma Dhabaa in Ciidamo Loo Xulay Ilaalinta Amaanka Gudoomiyaha Baarlamaanka

Somalia news

Macluumaad hordhac ah ayaa tilmaamaya in Taliyaha Ciidamada Dowlada Federaalka uu Gudoomiyaha Baarlamaanka ugu yaboohay hal Urur ka mid ah Ciidamada Dowladda Federaalka si ay u ilaaliyaan amaankiisa, talaabadaan ayaa u muuqata mid shaki weyn abuureysa…

Wararka ayaa sheegaya in Taliyaha Ciidamada Dowkada Odowaa Yuusuf Raage uu ku wareejiyay Gudoomiyaha Golaha Shacabka Sh.Aadan Madoobe Tiro Ciidamo ah oo tiradoodu gaarsiisan tahay Urur (Battalion), iyadoo ay soo shaac baxayaan shakiga laga qabo Howlgelinta Ciidamada oo la sheegay iney daacad u yihiin Maamulka Fashilmay ee Farmaajo.

Xogtaan ayaa sheegeysa in Baqdinta ugu weyn ee Gudoonka Baarlamaanka uu ka qabo in Ciidamadaan laga howlgeliyo ayaa ah laba arrimood midkood:-

-Inuu sii socdo khalkhal la gelin amniga Fadhiyada Golaha inta laga oggolaanaayo Kooxda Garbahaarey.

-In Farmaajo uu Kooxda uu ku soo xushay Garbahaarey loo fududeeyo iney si sahal ah ku galaan kulamada Xildhibaanada Baarlamaanka khatarna geliyaan Gudoonka.

“Saraakiisha Ciidanka ayaa looga digay in aysan ku milmin siyaasadda, amniga doorashadana ay kaga amar qaataan Gudoomiyaha Golaha Shacaka, inta lagu jiro marxaladda kala guurka, illaa uu dalka ka yeelanayo madaxweyne.” Ayaa lagu yiri qoraalka Gudoomiyaha.

Gudoomiye Sh Aadan Madoobe, ayaa degan Hoteel ku dhex yaal xeyndaabka Xarunta Xalane, waxaana ilaaliya Unug ka tirsan Ciidamada ATMIS, iyadoo sidoo kale ay jiraan Tiro aan la cayimin oo Soomaali ah kuwaasoo la sheegay iney ka soo jeedaan Degaanada Konfur galbeed.

186600cookie-checkMa Dhabaa in Ciidamo Loo Xulay Ilaalinta Amaanka Gudoomiyaha Baarlamaanka