Odayaasha Dhaqanka Oo Baaq Ka Soo Saaray Kiiska Ikraan Tahliil

Somalia news

Kulan ay isugu yimaadaan Odayaasha Dhaqanka ee Beelaha Hawiye ayaa soo saaray war murtiyeed iyo baaq ku aadan Kiiska Ikraan Tahliil oo ay sheegeen iney Dowladda Federaalka iney war cad ka soo saaraan isla markaasna in Ehelada Iyo Qaraabada ay qasab tahay iney Cadaalad helaan…

Gogoshaan ayaa la sheegay inuu dhigay Ugaaska Beesha Gasljecel Ugaas Cabdiraxman Ugaas Cabdullaahi, wuxuu cod Dheer ugu sheegay uguna Baaqay Dowladda Federaalka ineysan ku qanceynin wax ka yar Cadaalad Kiiska Ikraan Tahliil, Odayaasha ayaa sheegay iney la xanuunsan yihiin Qoyska Waalidka.

Hooyada dhashay Ikraan Tahliil ayaa xalay markale kasoo dhex muuqatay Warbaahinta iyada oo la ilmeyneysa xanuunka qalbigeeda ku saaqsan ee ah cadaalad u helida kiiska gabadheeda oo ay sheegtay inuu hortaagan yahay madaxweyne Farmaajo.

140730cookie-checkOdayaasha Dhaqanka Oo Baaq Ka Soo Saaray Kiiska Ikraan Tahliil