Hogaanka Hey’adaha Amaanka Caasimadda Oo Shaqadoodii Lagu Wareejiyay ATMIS

Somalia news

Macluumaad dheeraad ah ayaa laga helayaa Qorshaha sugida Amaanka ee xeynbaadka Teendhada Afisiyioni oo 15-ka Bishaan lagu qaban doono Doorashada Madaxweynaha, iyadoo Gudoomiyaha Baarlamaanka uu ka hor yimid Qorshe Amaan uu waday Taliyaha Boliiska…

Xogtaan ayaa xaqiijisay in Mr.Xijaar, Gudoomiyaha Baarlamaanka (SH.Aadan Madoobe), hordhigay qorshe amaanka lagu sugaayo xeyndaabka Teendhada iyo Wadooyinka soo gala, wuxuuna Mr.Xijaar doonayay in fariisimaha Ciidanka ATMIS, ku leeyihiin bar-koontaroollada, goobta ay ka dhacayso doorashada Madaxweynaha [Teendhada Afisyooni] lagu wareejiyo ciidamo ka tirsan Boliiska iyo NISA ka tirsan, hayeeshee, Guddoomiye Madoobe ayaa ku gacan seyray.

Kulanka fashilmay kadib, Gudoomiyaha Golaha Shacabka, ayaa xalay kulan deg deg ah la qaatay, Saraakiisha sare ee Ciidamada Howlgalka Nabad ilaalinta ATMIS oo ay Hormuud u tahay Ku-xigeenka Ergeyga Gaarka ah ee Midowga Africa u qaabilsan Somalia, marwo Fiona Lortan, Taliyaha Guud ee Ciidanka ATMIS ee Soomaaliya  Lt. Gen Ndegeya Diomede iyo Taliyaha Sector-ka Ciidamada Caasimada Brig. Gen. Keith Katungi.

Waxaana lagu heshiiyay in 22-Askari oo tirsan Ciidamada Boliiska la dhigo gudaha iyo xeyndaabka Teendhada, kuwaasoo ka amar qaadanaaya Hogaanka Maamulka Baarlamaanka iyo guddiyada Dooraahada, Mr.Xijaar, ayaa hore is hor istaag bareer ah ku sameeyay dhaarinta Xildhibaannada Golaha Shacbka ee laga soo doortay Ceel-waaq, halka uu jid-gooyo u dhigtay Xildhibaannada Aqalka hoose oo dhan, si aan loo dooran Gudoonka Golaha Shacabka.

187950cookie-checkHogaanka Hey’adaha Amaanka Caasimadda Oo Shaqadoodii Lagu Wareejiyay ATMIS
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com

2 thoughts on “Hogaanka Hey’adaha Amaanka Caasimadda Oo Shaqadoodii Lagu Wareejiyay ATMIS

  1. Boliis iyo a aan toona ma yaqaan waa adeege macaash raad is ah qax a diyaar u ah

Comments are closed.