Heshiiska Dooxa Ee Kheyre Iyo Ujeedada Ka Dambeysa

Somalia news

Warbixino laga helay ayaa sheegaya in shirkii 10-ka maalin usocday Raisal Wasaare Hassan Ali Khayre, Fahad Yaasin & Sirdoonka Qatar in lagusoo heshiiyay sidii loomaja xaabin lahaa Mucaaradka Dowlada Farmaajo & Dowlad Goboleedyada Puntland & Jubaland…

Ilo wareedkaan ayaa Diinah.com news u sheegay in Adeege Fahad Yaasiin oo ah shaqsi jecel in aan la ogaan sirtiisa ayaa Saraakiisha Dooxa kula taliyay in looga yeero Caasimada Doha ee dalka Qatar Wasiirka 1-aad si looga shiro arrimo ayka midyihiin Doorashada & Mucaaradka dowlada,

Adeege Fahad Yaasiin ayaa ka quustay inuu shirarka xasaasiga uu ku qabto Muqdisho maadama marwalbo banaanka lakeeno sirihiisa & xogaha hoose ee laga helaayo dhaqdhaqaaqisa & shirqoolada uu umaleego xubnaha mucaaradka.

Kulanka kadhacay Doha ayaa Saraakiisha Qadar ku siiyeen Ra’iisul Wasaare Khayre qorsho howleed baaxad wayn taaso uu ku indhasarcaadinayo xubnaha mucaaradka in asaga & Farmaajo ay isqilaafsan yihiin sido kale uu Khayre yahay musharax Madaxweyne 2021.

Ujeedada ugu weyn ee laga leeyahay ayaa ah in la ogaado xogta daahsoon ee Madasha Xisbiyada Qaran sida diyaar garoowgooda 2021 markii  muda xileedka Madaxweyne Farmaajo dhamaado goaanka ay qaadan karaan iyo saameenta ay leedahay ficilada ka imaan karo.

Raisal Wasaare Khayre oo ah shaqsi aad uyaqaano sida la isaga keeno ilinta maroodiga aya uxuubsiibtay si cilmeeysan inuu umuujiyo asaga & farmaajo ineey isku rayi eheen asagoo isticmaalayo hadalo qof walbo siduu rabo u micneesan karo .

Lama ago Madaxda Dowlad Goboleedyada Jubaland , Puntland &  madasha xisbiyada qaran ineey ka feejiganyihiin shirqoolada uu wado Raisal Wasaare Khayre .

47960cookie-checkHeshiiska Dooxa Ee Kheyre Iyo Ujeedada Ka Dambeysa