Hey’adaha Fitch Rating & Moody’s Oo Hoose u Dhigay Qiimeynta Dhaqaalaha Kenya..

Uncategorized

Warbixin ay soo saareen Hey’adaha Fitch Ratings iyo Mooday’s oo ka mid 3-da Hey’adood oo USA ugu talo gashay iney Cadaadus iyo Qiimeyn ku sameeyaan Dhaqaalaha Dalalka hoos yimaada Hey’adaha IMF-ta iyo World Bank, talaabadaan ayaa waxay hoos u dhigtay Aragtida Kenya Qiimaynta Lacagaha Keydka ee Soo Saare Default (IDR) ilaa Negative ka soo degtay…

“Warbixintaan waxay ka tarjumaysaa caqabadaha maalgelinta dibadda oo kordhay iyadoo ay jirto shuruudaha maalgelinta sare, oo ay ku jiraan $ 2B Eurobond qaan laga doonaayo in Sanadka 2024, ay iska bixiso Dalka Kenya, waxaana laga deyriyay kaydka caalamiga ah ee lacagaha adag, kor u kaca kharashka maalgelinta, iyo hubanti la’aanta ku saabsan jihada maaliyadeed, tusaale ahaan, khatarta fulinta ee canshuuraha lagu dhawaaqay kor u kaca bulshada dhexdeeda.

Sidoo kale Hey’adda Moody’s ayaa hoos u dhigtay qiimeynta lacagta Adag ee Kenya iyo lacagta shilinka Kenya ee muddada dheer iyo qiimeynta sare ee deynta aan la hubin laga bilaabo B2 ilaa B3 waxayna dejisay qiimeynta dib u eegista si hoos loogu dhigo. Hadda waxaa si rasmi ah loogu qiimeeyay in ka hooseeya Tanzania oo leh B2.

Warbixintaan ayaa ku soo aaday iyadoo Bilo ka hor uu Madaxweynaha Kenya ku dhiiri geliyay Ganacsatada Dalkaasi ineysan keyd ka dhigan Lacagta US$, wuxuu ugu baaqay iney Keydkooda geliyaan Lacagta Shilinka Kenya ama Dahabka.

267290cookie-checkHey’adaha Fitch Rating & Moody’s Oo Hoose u Dhigay Qiimeynta Dhaqaalaha Kenya..