Argagixisada Shababka Oo Dab qabadsiiyay Degaan Ka Tirsan Jalalaqsi

Somalia news

Wararka naga soo gaaraya magaalada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan, ayaa sheegaya in Kooxda argagixisada Shabaabka ay gabi ahaanba gubeen guryihii ku yaalay tuulo lagu magacaabo “Dirgoos-qoraxsin” oo hoos tagta degmada Jalalaqasi…

Wararka ayaa sheegay, falalkaan gubida ah ee Kooxdaan ku dhqaqeen ay tahay mid lagu cabsi gelinaayo Dadka degaanka, iyadoo la sheegay inuusan jirin guri ku yallay tuulada oo badbaaday, xilli aysan caddeyn sababta Kooxdaani u bartilmaameedsadeen tuuladaan oo dhacda jahada koofureed ee Jalalaqsi.

Guddoomiye ku-xigeenka degmada Jalalaqsi, Mire Xuseen Siyaad, oo dhankiisa ka hadlay dabka “Dirgoos-qoraxsin” ayaa sheegay in Maamulka degmada aad ugu xunyahay khasaaraha xoogan ee dabkaas ka dhashay, “Waxaan ka xumahay dhibka ka dhacay maanta tuulo lagu magacaabo “Dirgoos-qoraxsin” taas oo hoos timadda degmada Jalalqasi, kana xigita dhanka kofureed, waxaan Alle u weydiinaya beddel kheyr qaba”.Ayuu yiri Mire.

Dhamaadkii bishii hore, Qaasim Cali Nuur oo ah Guddoomiyaha degmada Balcad, ayaa sheegay in Al-Shabaab gubeen tuulooyinka Mukay-dheere iyo Mareereey, oo ku yaalla gobolka Shabeellaha dhaxe, iyagoo ku eedeeyay dadka degaanka iney soo dhoweeyeen Ciidamada Dowladda.

166690cookie-checkArgagixisada Shababka Oo Dab qabadsiiyay Degaan Ka Tirsan Jalalaqsi