Macluumaad hordhaca ah ayaa laga helayaa ilaa 5-Qof oo Shacab ah kana soo jeeda Beelaha Habar gidid ( Ceyr), oo maalmo ka hor laga Afduubtay Degaanada Maamul Goboleedka Hir-Shabelle, ayaa Maanta lagu waxaa lagu warramayaa in madax furasho lacageed lagu siidayay, kadib markii waan waan laga galay…..
Xogtaan ayaa Warsidaha Diinah.com news u xaqiijisay in Maleeshiyaad hubeysan kana soo jeeda Beesha Xawaadle ay dhowaan ka afduubteen 5-Qof oo rayid ah, sababo la xiriira aanooyin qabiil iyo dilal hore u Dhacay, waxaana la sheegay in Shantaan Qof lagala degay Gaadiid ay la socdeen inta u dhaxeysa Degaanada Maxaas iyo B/weyne.
Wararka ayaa sheegaya in Shanta qof laga bixiyay Madax furasho lacageed oo dhan 40-Kun US$, kadib markii waan waan Ay garwadeen ka ahaayeen Odayaal dhaqan ay ku guuleysteen in laga sii daayo maleeshiyaadka, ilaa hadda ma jirto wax war ah Dowladda Federaalka iyo Dowlad goboleedka Hir-Shabeelle ay ka soo saareen Afduubka iyo bixinta Madax furashada.
Degaanada Hir-Shabelle Ayaa waxaa aad u kordhay isku dhacdadaan Beelaha, Xiisadaha siyaasadeed iyo is-qabqabsiga ayaa sanadihii ugu dambeeyay aad ugu soo badanaayay Gobolada Sh/Dhexe iyo Hiiraan, waxeyna taasi mees ha Ka Saartay in dib u Heshiisiin loo sameeyo Shacbiga, teeda kale Guudlaawe ayaa la sheegay in Madaxweyne lagu doortay rabitaanka Villa Somalia, halka kuxigeen looga dhigay Horjooge Dabageed oo ka soo jeeda Hiiraan.