Xaalada Amaan Ee Magaalada Baydhabo Oo Laga Deyrinaayo

Somalia news

Toddobadyadii la soo dhaafay ayaa waxaa Magaalada Baydhabo laga dareemay amni-darro baahsan, kadib markii ay ku soo kordheen qaraxyada iyo weerarada hoobiye-yaasha ay magaaladaasi ka gaysanayan maleeshiyada Al Shabaab., iyadoo Xoogaga Amaanka ay ka gaabiyeen iney wax ka qabtaan…

Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in habeenkii xalay waxaa Xarunta Gobolka Baay ee Magaalada Baydhabo ka dhacay qarax, kaasoo ahaa bam-gamceed lagu weeraray hoyga mid ka mida Golaha Wasiirada Koonfur Galbeed, kaasoo lagu magacaabo Imaan Cali Cabdi (Imaan Goobe), oo ku yaala xaafadda Onodka.

Xogtaan Ayaa Warsidaha Diinah.com u sheegay in xilligii uu qaraxu dhacayay uu Wasiir Goobe ku sugnaa hoygiisa, waxaana la tilmaamay in qaraxaasi ku dhaawacmay mid ka mida ilaaladiisa.

Ilaalada Wasiirka ayaa qaraxaasi ka dib furay rasaas xoogan, mana jirto khasaaro la’ogyahay oo rasaastaasi ka dhalatay, sidoo kalana askarta ayaa waxaan jirin cid ay qaraxaasi u soo qabteen.

73210cookie-checkXaalada Amaan Ee Magaalada Baydhabo Oo Laga Deyrinaayo