Xaalada Amaan ee Magaalada Mogadishu oo Gaartay Allow Sahal Amuuraha

Somalia news

Warar hordhac ah ayaa laga helayaa xaalada amaan ee magaalada Mogadishu ayaa gaartay heerkii ugu hooseysay, iyadoo xalay xalay 7-Goobood la qarxiyay baco ay ku jiraan Walxaha qarxa, Maamulka Villa Somalia & Laammaha amaanka lagu eedeeyay habacsanaan…

Wararka ayaa sheegay in Xoogaga amaanka Gobolka Banadir ay xaafadaha Tarabuunka iyo aagga Hotel Gurguurte ay ka kaceen tuugo hubeysan oo wata Mootooyin, kuwaasoo dhac u geystay Dadka Rayidka ah, muddana cabasho badan ka timid.

Ku darsoo, xalay Ilaa 7-goobood oo Caasimada ah ayaa la dhigay Baco lagu shubay Qaraxyo Dheemish ah, waa sida Maamulka uu sheegtay, Wax qasaaro ah ilaa hadda lama soo werin, waxaana jira warar sheegaya in Shabaabku maleegeen dabinka Qaraxyadda Fake-ga ah.

Magaalada Mogadishu ayaa amaankeeda hoos u dhac xoogan ku yimid kadib markii uu xilka la wareegay Maamulka Xasan Gurguurte, iyadoo hoos u dhacaan lagu sababeynaayo Xulashada tayadoodu hooseyso ee Saraakiisha amaanka iyo fahmka gaaban ee howlaha Amaanka ee Villa Somalia, taasoo fursad siiyay Kooxaha Argagixisada, burcad iyo Kuwo mucaaradka.

233750cookie-checkXaalada Amaan ee Magaalada Mogadishu oo Gaartay Allow Sahal Amuuraha