Bangiga Aduunka Oo Ansixiyay Dhaqaale loogu talo galay Dadka Soomaaliyeed ee Abaaraha Saameeyeen

Somalia news World

Bangiga Adduunka ayaa ansixiyay 143-Millions oo US$ ah looguna talagalay si loogu caawiyo dadka nugul ee Soomaaliyeed si ay uga gudbaan xaaladaha abaarta iyo cunno yarida sii kordhaysa ee Dalka oo dhan saameysay..

Maalgelintan dheeriga ah ee la siinayo Somalia, ayaa waxay xoojin dheeraad ah siin doontaa wax ka qabashada abaaraha dalka, waxayna hubin doontaa sii socoshada taageerada naf babaadinta joogtada ah.

“Xaaladdu waa murugo, Bankiga Adduunkana waxa uu sameynayaa wax walba oo uu ku badbaadin karo kuwa ugu nugul xilligan,” ayay tiri Kristina Svensson, maamulaha Bangiga Adduunka ee Soomaaliya. “Waxaan ka faa’ideysaneynaa iskaashiga aan la leenahay hay’adaha bani’aadamnimada si loo yareeyo xaaladdaha abaaraha,” ayay raacisay.

Bangiga Adduunka ayaa sheegay in mashruucaan uu wax ka qaban doono baahida 20,000 qoys. Waxa kale oo uu tilmaamay in lacag caddaan ah oo degdeg ah la siindoono 338,000 qoys, iyo 160,000 qoys kuwaas oo iyagana dhaqaale ka helidoona mashruucaan.

Tirada dadka ku tiirsan gargaarka bini’aadantinimo ayaa la saadaalinayaa inay kor u kacdo 7.7 milyan oo qof sanadkan 2022, iyadoo lagu qiyaaso 3 milyan oo qof oo gudaha ku barokacay iyo ku dhawaad 70% dadka ku nool inay ka hooseeyaan heerka faqriga caalamiga ah.

196890cookie-checkBangiga Aduunka Oo Ansixiyay Dhaqaale loogu talo galay Dadka Soomaaliyeed ee Abaaraha Saameeyeen