Keenista Qaadka Garoonka Diyaaradaha Garoowe Oo Gacan-ka-Hadal ka Dhashay

Somalia news

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa is-rasaasey xigtay Dhac Gaadiid Qaad siday oo ka dhacay Maalintii Jimcihii hore afaafka hore ee Garoonka Diyaaaradaha Magaalada Garoowe, kadib markii koox hubeysan ay weerareen Gaadiid Qaad siday oo garoonkaasi laga soo dejiyay..

Ilo wareedyo ayaa sheegay in kooxo hubeysan ay u galeen Kolonyadaan Qaadka waday agagaarka Laanta hawada, iyadoo is-rasaaseyn muddo kooban socotay kadib kooxaha Weerarka qaaday ayaa u suurto gashay iney dhacaan ilaa 3-Gaari oo Qaad siday, iyadoo dhacdaan uu sababay khilaaf iyo caro ay ka qaadeen kooxahaan in shatiyadii Qaadka oo kooxda kale oo ka soo horjeeda uu Maamulka Deni u oggolaaday.

Ganacsatada Qaadka la soo degay ayaa ruqsad ka heystay Hogaanka Sare ee Maamulka Puntland kuwaasoo la sheegay iney khidmado ku leeyihiin Qosyka Madaxweyne Dani iyo kuwo xulufo la ah, iyadoo Dhawaan Ganacsato ka soo jeeda Magaalooyinka Garoowe iyo Qardho ay cabasho ka muujiyeen sida Siyaasiyiinta ay faraha ugula jiraan Ganacsiga Qaadka.

Soo Dejinta Qaadka ayaa Dalka Somalia ka noqday mid damac iyo hunguri u geeyay Mas’uuliyiinta Hogaanka Dowladda Federaalka iyo kuwa Gobolada kuwaasoo Ehlekooda u xira khidmadaha laga qaato Qaadka, talabaadaan ayaa hoos u dhigtay Sharafkii iyo xurmadii ay Shacbiga ku dhex lahaayeen.

250400cookie-checkKeenista Qaadka Garoonka Diyaaradaha Garoowe Oo Gacan-ka-Hadal ka Dhashay