Qoysaskii Ku Haray Magaalada Laas caanood oo Bilaabay iney ka Barakacaan

Somalia news

Wararka naga soo gaaraya magaalada Laas caanood ee Gobolka Sool ayaa sheegaya in Magaalada ay bilaabeen Dadkii Rayidka ahaa ee ku haray iney ka Barakacaan kadib markii Maleeshiyaadka Muuse Biixi ay kordhiyeen Duqeynta aan loo meel dayin…

Wararka ayaa sheegay in Barakacaan cusub uu soo baxay kadib markii ay kordheen duqeynta Ciidamada Somaliland ee Xaafadaha qaar ku dhacday taasi oo sababtay dhimasho, Dhaawac iyo burbur soo gaaray guryaha qaarkood.

Dadka degaanka ayaa sheegay in ugu dambeyn ay ka quusteen joogitaanka Magaalada Laascaanood maadaama duqeynta joogta noqotay dagaalkana uu sii daba-dheeraaday si naftooda u badbaadsadaan ay isaga baxayaan Magaaladaasi.

Hey’adaha Qaramada Midoobay oo horey loogu eedeeyay iney ka gaabiyeen iney tacadiyada socda diiwaangeliyaan, isla markaasna Dadka Rayidka ah u fidiyaan Gargaar, ayaa hadda u oggolaaday Hey’adaga hoos yimaada iney booqdaan Magaalada Duqeynta ku socoto, gaar ahaan Xarumaha Caafimaadka gaar ahaan Hey’adaga WFP iyo IMO.

243300cookie-checkQoysaskii Ku Haray Magaalada Laas caanood oo Bilaabay iney ka Barakacaan