Hogaanka NISA Oo Lagu Eedeeyay Khaarijinta Tiro Saraakiil ah

Somalia news

Warbixin welwel xambaarsan ayaa tilmaameysa in Hogaanka Hey’adda NISA lagu eedeeyay iney ka dambeeyaan khaarijinta tiro Saraakiil ka tirsan Hey’adda kuwaasoo si bareer ah loo dilay, intii u dhaxeysa Sanadihii 2019/21, Waxaana la sheegay in loo saariyay Kooxda argagixisada Shababka…

Xogtaan ayaa u sheegtay Warsidaha Diinah.com news in Saraakiil ka tirsan Hey’adda NISA oo tiradoodu lagu sheegay 13-xubnood la waayay ama dilay laga soo bilaabo 23-kii December 2019-kii ilaa 8-dii July 2021, Waxeyna talaabadaasi muujineysaa iney Hogaanka NISA ay beegsi sii kordhaayaan ku Hayaan Saraakiisha Hey’adda NISA ee aragti ahaan ka soo horjeeda Adeege Fahad Yasin iyo Cabdullahi Kulan (Jiis-mareexaan).

Liiska Saraakiisha La Waayay ama la Khaarijiyay

Ilo wareedyo ayaa sheegay in Saraakiisha Hey’adda NISA ay soo wajahday Cabsi xoogan, kadib markii ay ka war heleen in qorshe horey loo dejiyay oo lagu khaarijinaayo Saraakiisha Hey’adda gaar ahaan kuwa ka soo jeeda Beelaha Hawiye, iyadoo la sheegay in dhaqaale badan lagu bixiyay fulinta mashruucaan si loo cabsi geliyo Shaqaalaha Hey’adda NISA, waxaana laga digay in Howlgaladaan ay kordhi doonaan xiligaan kala guurka ah.

130940cookie-checkHogaanka NISA Oo Lagu Eedeeyay Khaarijinta Tiro Saraakiil ah