Ma Dhabaa in Xisbiga Xasan Sheekh ay u Xusheen Wasiirka Maaliyada Xildhibaan ka soo Jeeda Boorame

Somalia news

Warbixin hordhac ah ayaa tilmaamaya in Maamulka Xasan Sheekh iyo Ururkiisa ”Damul jadiid” ay isla meel dhigeen in Wasiirka Maaliyada ay u xusheen Xildhibaan ka tirsan Ururka kana soo jeeda Degmada Boorame, isla markaasna ka tirsan Baarlamaanka 11-aad ee Federaalka…

Xogtaan ayaa warsidaha Diinah.com news u sheegtay in Dr.Cilmi Maxamed Nuur oo 56 jir ah aya noqon doono Wasiirka Maaliyadda Dowladda cusub ee 🇸🇴, Xildhibaanka ayaa wuxuu Shahaadada Bachelor & Master-ka qaatay Jaamacadda “The School of Economics” ee Magaalada Islamabad, Dalka Pakistan.

Dalka Shahadada PhD uu ka qaatay Dalka Sweden, Xildhibaanka ayaa ka tirsan Urur Diimeedka “Damul Jadiid”, Dr.Cilmi ayaa u dhashay Beesha Samaroon , jufada Mekahil, wuxuuna bedeli doonaan Mr.Cabdiraxman Beyle oo isna ka soo jeeda Beesha Dr.Jaamac.

195450cookie-checkMa Dhabaa in Xisbiga Xasan Sheekh ay u Xusheen Wasiirka Maaliyada Xildhibaan ka soo Jeeda Boorame