Xaaladda Abaarta Somalia & Dareen la’aanta Madaxda Dalka

Somalia news

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan bini’aadantinimada ayaa sheegtay in ay raadinayso 993.3 millions oo US$ Maraykanka ah si ay u bixiso gargaar naf-badbaadin ah oo looga hortago macluusha loogana jawaabo abaarta Somalia marka la gaaro bisha December…

Xafiiska isku xirka arrimaha bini’aadantinimada ee Qaramada Midoobay (OCHA) ayaa sheegay in saameynta abaarta iyo cadaadiska dhaqaale ee sii kordhaya ay sii kordhinayaan darnaanta baahiyaha dalkana u horseedaya qarka u saaran macaluul.

Laga soo bilaabo December. “Abaartu waxay baabi’isay nolosha dadka ugu nugul, oo ay ku jiraan Haweenka, Carruurta iyo kuwa laga tirada badan yahay, Nafaqo-xumada ba’an ee carruurta ayaa sii kordheysa.”

Afar roobab oo is xigxigay ayaan u di’in sidii la rabey, iyadoo taasi ay sababtay abaartii ugu darneyd ee dalka soo marta muddo 40 sano ah, waxaana malaayiin qof ay qarka u saaran yihiin abaartii ugu xumayd, taasoo soo gaartay heerka macluusha.

C/raxmaan C/shakuur oo Xasan Sheekh u magacaabey ergayga arrimaha abaaraha, ayaa sheegay in Madaxda qaranka aysan qorshaha ku darin sidii wax looga qaban lahaa abaarta soo noq-noqotay, ee Madaxweyna walba marka uu yimaado la kowsado, Malaayiin dollar ayay Madaxda Dowladda ku bixiyaan safaro aan micno lahayn, xafladdo baashaal ah iyo mooshinno, taasoo shacab badan noloshooda lagu badbaadin karo.

Shacabka Soomaaliyeed xili kasta waxay u dhaxeeyana labo dhibaato, oo kala ah abaar iyo fatahaad webiyada sameeyaan, xaalad qofka Muwaadinka marna biyo la’aan u dhimanaya marna biyo fatahaado ah ay dilayaan.

197080cookie-checkXaaladda Abaarta Somalia & Dareen la’aanta Madaxda Dalka
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com