Hor-Shabelle Oo Xilal La Magacaabay

Somalia news

Madaxweynaha Maamulka Dowlad goboleedka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa qoraal uu soo saaray wuxuu ku magacaabay laba Wasiir oo ka mid noqonaya Maamulkiisa, kadib markii uu is-casilay Wasiir Kuxigeenka Amniga…

Warqadda ka soo baxday Xafiiska Madaxweynaha Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Waare ayaa lagu sheegay in Xilalkii laga qaaday Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Amniga mudane Geelle isaaq Iyo Wasiiru Dowlihii Wasaaradda Maaliyada iyo Horumarinta Dhaqaalaha Hirshabelle mudane Luqmaan Haji Baarqab, iyadoo loo magacaabay Wasiir ku xigeenka amniga Mudane Xasan Maxamed Cilmi, waxaana sidoo kale wasiiru Dowlaha Wasaaradda Maaliyada loo magacaabay Mudane Yuusuf Sh. Xasan Macalin.

Inkastoo magacaabistaan waqti dambe oo xalay ah soo baxday ayaa haddana waxaa xusid mudan in Wasiir Ku xigeenka Wasaaradda Amniga Hirshabelle uu iska casilay xilkaasi kadib markii shalay Banaanbax ka dhici rabay Magaalada Baledweyne laga joojiyay, islamarkaana Banaanbaxaasi uu ka qayb galaayay Wasiirka iscasilay.

Hirshabelle ayaa deeganada ay ka taliyaan waxa ay ka joojiyeen in lagu qabto Banaanbax lagu taageeraayo Madaxda dowladda Federalka Somaliya.

41520cookie-checkHor-Shabelle Oo Xilal La Magacaabay