Ma Dhabaa in Deni uu isku Leexsaday Xubno (Wasiiro) Mayal Adag Oo Danihiisa & Damaciisa Fulin kara..

Somalia news

Ilo wareedyo loo qaateen ah ayaa tilmaamaya in Madaxweynaha Puntland oo muddo ku guda jiray raadinta iyo kala xulashada xubno mayl adag oo fulin kara damaciisa iyo dagaal siyaasaadeedkiisa uu la geli doono Villa Somalia mustaqbalka iyo dhisida koox gacan ka siisa sidii mar uun Madaxweyne ugu noqon lahaa Somalia…

Waxaa la saadalinayaa in 24-ka saac ee soo socda uu ku dhawaaqo Golahiisa Wasiirada waxeyna u badnaan doonaan kuwo aad u neceb Hogaanka Federaalka iyo Caasimada, iyadoo loo kala saaray Wasaaradaha kuwo adeegyada Bulshada iyo kuwa Fahamka siyaasada Hogaanka iyo kaadiriin u qalma rabitaanka Deni dagaalkana kala qeyb geli kara 2-sano ee food nagu soo heysa.

Xubnaha la saadaalinaayo iney Wasiiro Noqdaan

-Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Xasan (Gablax) oo laga soo doortay Waqooyiga Mudug ayaa isu diyaarinaya inuu banneeyo kursiga Baarlamanka, waxaana lagu tilmaamaa shakhsiyaadka wakhti xaadirkan si xoogan uga horjeeda siyaasada Kooxda Villa Somalia.

-Jaamac Cali Warsame oo uu adeer u yahay Madaxweyne ku xigeenkii hore Axmed Karaash ayaa la filaya in uu kamid noqdo xukuumadda cusub ee Puntland, loona magacaabo Wasiirka Duulista iyo Garoomada Puntland.

Ku darsoo Deni ayaa quus tiray Siyaasiga Maxamuud Khaliif Jebiye oo dadaal u galay sidii uu ugu biiri lahaa Golaha cusub, Guddoomiyaha Xisbiga SINCAD Eng Jebiye ayaa booskiisa waxaa lagu qoray shaqsi lagu magacaabo Cali Hiirad oo ay isku jufo yihiin Xeer Ilaaliyaha guud ee Puntland Axmed Taaran.

Mr.Deni ayaa la rumaysan yahay Golihiisa wasiirada ku qorayo siyaasiyiin aad u diidan Villa Somalia taas oo muujinaysa halka ay kala marayaan Deni iyo Xasan Sheekh, kadib ku dhawaaqista waxaana lagu wadaa inuu safar deg deg ah ku gaaro UAE iyo Ethiopia ka hor inta uusan Gudoomin Golaha Mucaaradka (Geedi Fadhiga Garoowe).

310810cookie-checkMa Dhabaa in Deni uu isku Leexsaday Xubno (Wasiiro) Mayal Adag Oo Danihiisa & Damaciisa Fulin kara..