EU-da Oo Maalgelinaaya Mashruuc Lagu Hormarinaayo Hantidhowrka Qaranka..

Somalia news

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa Qandaraas la-talin ah oo Hey’adda Adam Smith International lagu siiyay iney Hantidhowrka Somalia ka caawiso dhanka Baarista Xisaabaadka iyo Kormeerka, kaasoo socon doona muddo 3-sano ah…

Wararka ayaa sheegaya in Midowga Europe isagoo ku guda jira taageero joogta ah oo uu siinayo maamul wanaaga ee Dalalka soo koraya, ayaa ku maalgelinaya mashruuc miisaaniyadiisu dhan tahay €5.3 milyan oo Euro, kaasoo socon doona muddo 36 bilood ah, iskaashigan ayaa waxa ay ujeedadiisu tahay in laga caawiyo Xafiiska Hanti Dhowrka Guud ee Qaranka sidii uu dib u habayn ugu samayn lahaa howlihiisa shaqo.

Maalgelinta Mashruucaan ayaa ku salaysan sidii loo xoojin lahaa dadaalka Guddiga Maamulka Maaliyadda (FGC), kaasoo la bilaabay 2014-kii, FGC waxa uu u adeegaa sidii madal halbowle u ah kobcinta wadahadal dhexmara maalgeliyayaasha caalamka iyo Dowladda Federaalka ah ee Somalia, ee doodaha ku saabsan maamulka maaliyadda Dalka.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa lama huraan ah in maanka lagu hayo sumcadda Somalia ee caalamiga ah marka la eego dhanka maamulka maaliyadeed iyo daah-furnaanta ay tahay mid hooseysa isla markaasna Dalku uu la degay Musuq, Eex iyo Maamul xumo baahsan oo ka jira xafiisyada Dowlada Federaalka.

274690cookie-checkEU-da Oo Maalgelinaaya Mashruuc Lagu Hormarinaayo Hantidhowrka Qaranka..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com