Madaxweynaha Puntland Oo Kulan la Yeeshay Madaxda Xisbiyada Degaanka ka Dhisan

Somalia news

Madaxweynaha Puntland Mr.Saciid Deni ayaa kulan la qaatey Ururada Syaasadda ee Puntland ka diiwaan gashan iyo Hay’adda kumeel-gaarka ah ee Doorashooyinka Puntland TPEC, wuxuuna Mas’uuliyiinta Ururradaan kala hadlay, dardar gelinta barnaamijka hannaanka xisbiyada badan ee doorashooyinka qof iyo cod…

Madaxweynaha Puntland ayaa cudur-daar ka bixiyay gaabiska ku yimid barnaamijka doorashooyinka qof iyo cod, waxaana uu sheegay in isagu doorashooyinkii Federaalka kaga mashquulay arrintaas.

Sidoo kale, wuxuu sheegay in ay ka go’ an tahay in Sanadkaan gudihiisa doorashooyinka qof iyo cod laga hirgeliyo degmooyinka harsan ee Puntland, Dhinaca kale, Mr.Dani ayaa ka hadlay khilaafka ka taagan dhismaha maamulka degmada Eyl, waxaana uu ballan-qaaday in uu mudda 7 cisho gudahood ah uu ku xallin doono khilaafkaas.

204590cookie-checkMadaxweynaha Puntland Oo Kulan la Yeeshay Madaxda Xisbiyada Degaanka ka Dhisan