Kulan U Dhaxeeya Madaxweynaha 2-Gudoomiye ee Baarlamaanka Oo Baaqday & Sababta..

Somalia news

Macluumaad dheeraad ah ayaa laga helayaa Kulan wada tashi ahaa oo baaqday isla markaasna dhexmari lahaa Madaxweynaha, Guddoonka Labada aqal ee Baarlamaanka iyo Siyaasiyiinta Mucaaradka oo ahaa xubnihii ugu cad-cadaa Midowgii Musharaxiintii hore oo maalmahan kulamo wada tashi isdaba joog ah uga socdeen…

Xogo loo qaateen ah oo ku dhow Xubnaha Mucaaradka ah ayaa sheegay in kulanka loo baajiyay cudurdaar ka yimid dhanka Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe, Hase ahaatee warar kale ayaa sheegaya inuu kulanka u baaqday cadaadis Madaxweynaha kaga yimid qaar ka mid ah Madaxda dowlad goboleedyada iyo Xisbiga Madaxweynaha oo kulanka ku tilmaamay shirqool marqaati gelin dadban ah.

Wararka ayaa sheegay in Mr.Axmed Madoobe & Mr.Lafta gareen ay xiriiro la sameeyeen Madaxweynaha Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo Wasiirka 1-aad kuna cadaadiyeen in la hakiyo Kulankaan, waxeyna ku sababeeyeen in Xubnaha Mucaaradka lasiiyay kaalin ay go’aanada Maasiiriga ah wax ka gaaraan, iyadoo haataan uu socdo kulan wada tashi ah oo lagu qancinayo Sheekh Aadan Madoobe iyo xubno kamid ah madaxda dowlad goboleedyada.

296290cookie-checkKulan U Dhaxeeya Madaxweynaha 2-Gudoomiye ee Baarlamaanka Oo Baaqday & Sababta..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com