Ma Dhabaa in Dhaqdhaqaaqyo Ciidamo dib uga Bilaawday Magaalada Garoowe

Somalia news

Inkastoo Dadaalo Nabadeed ay wadaan Odayaasha Dhaqanka kuna guuleysteen in Dagaalka gudaha magaalada Garoowe la joojiyo, hadana waxaa soo shaac baxaaya dhaqdhaqaaqyo Maleeshiyo oo uu wado Maamulka Deni oo la sheegay inuu ka Faa’iideysanaayo Xabad joojinta..

Xogtaan ayaa sheegtay in Xoogag ka tirsan kuwa Maamulka ee PMPF ee maalgeliso UAE iyo Maleeshiyaad kale oo hoeboodaayo Horgale magaciisa lagu sheegay Cabdiraxmaan Rabaax oo ku beel ah Mr.Dani ay isku fidiyeen Xaafado hor leh oo laga saaray Xoogaga ka soo horjeeda kuwaasoo la sheegay in la isugu geeyay Xero Ciidan oo ku taal Gudaha Magaalada.

Talaabadaan ayaa la sheegay iney argagax ku abuurtay Shacbiga magaalada kuwaasoo su’aalo ka keenay ujeedada laga leeyahay dhaqdhaqaaqan cusub, iyadoo Xoogagaan ay xirteen wadooyinka gala xerada lagu xareeyay Xoogaga Mucaaradka taasoo sababtay iney dhinacooda heegan galaan.

Gudoomiyaha Gobolka Nugaal Mr.Cawil Xasan Tooxyare “Mataan” ayaa ku eedeeyay Shirkadaha Gadiidka iyo Tagsiyada iney weyb ka yihiin Qixinta Shacbiga, ugu hanjabay inuu talaabo ka qaadi doono hadii aysan joojin Qixinta Dadka Rayidka ah, wuxuuna Shacbiga weydiistay iney Guryahooda ku negaadaan oo aysan qixin.

262050cookie-checkMa Dhabaa in Dhaqdhaqaaqyo Ciidamo dib uga Bilaawday Magaalada Garoowe
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com