Weerar Lagu qaaday Maxkamad ay Kooxda Shababka ku lahaayeen Degaan ka tirsan B/weyne

Somalia news

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga soo sheegayaa Maleeshiyaad ka tirsan Beesha Xawaadle oo weerar aar gudasho ah ku qaaday fariisin ay kooxda Argagixisada Shabaabka ku laheyd degaan lagu magacaabo Booco oo ka tirsan gobolka Hiiraan, iyagoo dilay ku dhowaad 20-Dabley…

Wararka ayaa sheegay in Dableydaan oo qaab qabiil u abaabulan ayaa ka jawaabaysay dilkii Nabadoon Cali Macalin Maxamuud (Cali Dheere) 27-kii May loogu geystay gudaha magaalada Beledweyne, ayaa weeraray fariisinka oo 45-KM u jirta qiyaastii magaalada, waxaana ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho & dhaawac.

Mid ka mid ah Dagaalamayaasha ka qeyb galay weerarka sheegay ”In kooxda Shabaabku ay Maxkamad ku lahaayeen deegaanka Booco oo hoostega Magaalada Baladweyne, isagoona tilmaamay inuu sii socon doono howlgalka ka dhanka Argagixisada ee laga wado deegaano iyo degmooyin ka tirsan Gobolka Hiiraan.

192510cookie-checkWeerar Lagu qaaday Maxkamad ay Kooxda Shababka ku lahaayeen Degaan ka tirsan B/weyne