Hufnaan La’aanta Maaliyada & Musuqmaasuq Hareeyay Maamulka Farmaajo

Somalia news

4-tii Sano Ee u dambeysay Maamulka Fashilmay Ee Farmaajo waxey ku guuldareysteen iney la yimaadaan Xisaab xir sanadeed Oo cad iyo hufnaan maaliyadeed Ee dhanka kharashaadka, waxaana hareeyay boob hantida Qaranka iyo Musuqmaasuq baahsan Oo saameyay dhamaan Xafiisyada Dowladda & Safaaradaha…

Dhowaan ayeey aheyd markii Hantidhowraha Dowladda Federaalka uu soo saaray baaritaano lagu sameeyay 25-Hey’adood iyo 3-Safaaradood oo ku kala yaala Dalalka Turkiga, Uganda iyo South Africa, kuwaasoo lagu helay iney dhaqaalhii ay uruuriyeen si gaar ah u isticmaalay, talaabadaan oo Baal marsan Hanaanka iyo Nidaamka daah furnaanta Maamulka Dowladda.

https://youtu.be/Gl8CQD1T2Sg

Qodobada Ugu Muhiimsan Warbixinta:-

-Hey’addaha kor ku xusan oo sameeyay kharashaad bixin dhan 9-Millions US$, kuwaasoo aan wadan caddeymo ku filan iyo warqado muujinaaya Sida loo isticmaalay kharashaadka.

-Heshiisyo Ay Xafiisyadaan la galeen Hey’adahaan Oo gaaraya 31-millions US$ isla markaasna ka gaabiyay iney u gudbiyaan Xafiiska Hantidhowraha.

-In Koontooyin ka baxsan Bangiga dhexe si sharci darro ah loo furtay.

-In Deeqaha Maaliyadeed Oo kor u dhaafaya 17-millions US$ la soo marsiinin Nidaamka Maaliyada laguna soo darin Miisaaniyada Dalka.

-Safaaradaha ay sameeyeen dhakhli uruurin dhan 278-Kun US$ Laguna soo darin Warbixinada Maaliyada.

-Dowlad Goboleedyada iyo Maamulka Gobolka Benadir Oo Ka gaabiyay iney xisaab celin dhan 78-Millions US$ Oo ay ka heleen Dowladda Federaalka sanadkii tagay.

-In Shaqaalaha Safaaradaha lagu qoray qaab ka baxsan Nidaamka Shaqaaleynta Ee waafaqsan Sharciyada Dowladda.

-Wasaarada Amniga Oo Lagu Eedeeyay ineysan laheyn Shuruuc iyo xeerar dhameystian kuwaasoo qeexaaya hab-raacyada soo saarida shatiyada, Diwaangelinta, Maamulka Hubka iyo Shirkadaha Amniga ee gaarka loo Leeyahay.

152910cookie-checkHufnaan La’aanta Maaliyada & Musuqmaasuq Hareeyay Maamulka Farmaajo