Wararkii ugu Dambeeyay ee Dagaalka Laas caanood & Shaqaale la Afduubtay

Somalia news

Macluumaad dheeraad ah ayaa laga helayaa fal afduub oo ay geysteen Dabley daacad u ah Maamulka Muuse Biixi ee Somaliland qaar kamid ah shaqaalihii shirkada quwada Korontada ee Laascaano, oo ku sugnaa xaruntooda oo ku taala duleedka Galbeed ee magaalada, kana baxsan masaafo dhan 5-KM, markii ay saaka aagaas weerartay…

Wararka ayaa sheegay in Shaqaalaha ay Xoogaga Somaliland ayaa afduubtay ay gaarayaan ilaa 7 qof, Maamulka Shirkada Sool Power, ayaa sheegay in aysan xog sugan ka heynin, shaqaalahoodii, sidaas oo kale korontada ayaa ka maqan magaalada, taas oo ka dhigan in qalabka waxyeelo ka soo gaartay dagaalkii saaka dhacay, oo ay Somaliland doonaysay in ay aaga galbeed ku qabsato.

Waxeyna ku guuldareystay iney xaqiijiso gacan ku heynta Wadada Calaqadka/Halbowlaha Galbeedka magaalada Laascaanod, oo muhiim ah difaaca saldhiga Goojacade, oo jidka dhulka dhoodida ah u furan yahay hadda, inkastoo la sheegay in Maamulka Hargeysa laga qabsaday Gaari Dagaal.

244330cookie-checkWararkii ugu Dambeeyay ee Dagaalka Laas caanood & Shaqaale la Afduubtay