Maamulka Jubbaland Oo Lagu Eedeeyay inuu Qaraabadiisa u xiray Qaadka Kenya Canshuurtana ku kordhiyay

Somalia news

Dumarka Nolol-maalmeedka kaga xoogsada iibinta Qaadka ayaa qeylo dhaan ka soo saaray, isbedel lama filaan ah oo Maamulka Jubbaland ku sameeyay qiimaha Qaadka laga soo dejiyo Garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo..

Qaadka ayaa markii hore doomo lagu keeni jiray iyadoo Canshuurta laga qaado markii hore halkii marduuf 27-US$ xiligii doomaha ee ka soo dejin jireen degaanka Rasbambooni, hadda oo ay Ganacsatada ka soo dejiyaan garoonka Diyaaradaha Magaalada Kismaayo ayaa Maamulka Axmed Madoobe ay kordhiyeen canshuurta kana dhigeen halkii Marduuf 40-US$.

Haweenka Qaadka ayaa ka codsaday Madaxweynaha Jubbaland inuu soo fara geliyo arrimaha taagan uuna culeys ku saaro saaxibadiisa uu qaadka u xiray iney dib ugu noqdaan, xiisadaan ayaa taagan iyadoo Maamulka Axmed Madoobe uu ka gaabsaday inuu ka hadlo, sidoo kale xiisadahaan ayaa waxey ka jirta Mogadishu iyo Garoowe.

Dhanka kale, Ganacsatada Qaadka Kismaayo ayaa bilaabay iney adeegsadaan Ciidamada Maamulka Jubbaland si ay ugu xir-xiraan Dadka deymaha lagu yeesho, iyadoo farta lagu fiiqaayo isku milanka xoogaga Maamulka iyo Ganacsatada Qaadka.

231390cookie-checkMaamulka Jubbaland Oo Lagu Eedeeyay inuu Qaraabadiisa u xiray Qaadka Kenya Canshuurtana ku kordhiyay
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com