Villa Somalia Oo Diyaarisay Xayiraad Ka Dhan Ah Kenya

Somalia news

Waxaa maalinba maalinta ka dambeysay sidii xumaanaya Xiriirka u Dhaxeeya Kenya Iyo Somalia, iyadoo xiisadani ay salka ku heyso Arrimo badan oo is-biirsaday, ayna ka mid yihiin Taageerida Maamulka Jubbaland Ee Kenya, Ciidamada Dowladda Federaalka ay u daabushay Gobolka Gedo, Howlgalada ay ka wadaan gudaha Kenya iyo Xiriirka Ganacsi ee labada dal…

Mr.Farmaajo ayaa qoraal u diray Gudoomiyaha IGAD, isagoo ka codsaday in Kulan degdeg ah loo qabto Dalalka ku bahoobay Ururkaasi, kadib markii Dowladda Kenya ay dalkeeda ku martiqaaday Madaxweynaha Maamulka Somaliland, kaasoo shalay gaaray Magaalada Nairobi, wuxuuna (Mr.Farmaajo) ka fekeraaya inuu Kenya kusoo rogo xayiraadyo kale oo Diblomaasiyadeed hadii ay sii wado “faragelinta ay ku hayso doorashooyinka Febraayo,” sidda uu wariyey bogga The Standard.

Ilo wareedyo aad ugu dhow Mr.Farmaajo ayaa laga soo xigtay inuu ku fekerayo sidii shaqadda looga eryi lahaa in ka badan 100-kun oo Muwaadiniin Kenyan ah kuwaasoo ka shaqeeya gudaha Somalia gaar ahaan arrimaha Dhismaha, Waxbarashada Hoteelada.

“Madaxweyne Farmaajo wuxuu dhawaan iclaami doonaa in Kenya ay tahay cadow taasoo la macno ah in 100-kun qof ay si toos ah u weyn doonan shaqadooda. Wasaaradda arrimaha dibadda Kenya waa in ay xal u hesho qalalaasaha,” ayuu yiri qofka uu soo xigtay jaraa’idka ee magaciisa aan la shaacin.

Dhamaan talaabooyinkan waxaa kasii horeeyay mamnuucida maandooriyaha Miiraha kaasoo Muqdisho kalkii hore u joojisay Covid-19 awadeed balse isku rogay in Villa Soomaaliya u adeegsato hub ay kula dagaalanto Kenya.

Mr.Farmaajo ayaa u muuqda mid ku dhaqaaqaya talaabo kasta oo uu ku difaacan karo kursiga marka la gaaro Febraayo-2021, Balse waxaa calaamad su’aal dul-hooganeysaa hadii uu ku guuleysan doono mashruuciisa ka dhanka ah Kenya.

78870cookie-checkVilla Somalia Oo Diyaarisay Xayiraad Ka Dhan Ah Kenya