Safarka Rooble Ee Cimrada Maxaa Ku Wehliya

Somalia news

Faahfaahin dheeraad ah ah ayaa laga helayaa Safarka Uu Wasiirka 1-aad Ee Xukuumada Xil gaarsiinta Mr.Rooble uu shalay ku tagay Magaalada Jiddah, iyadoo ay halkaasi ku soo dhoweeyeen Saraakiil ka tirsan Maamulka Boqortooyada iyo ka Magaalada….

Wararka ayaa sheegaya in Rooble Tagidiisa Sacuudiga marka laga soo tago Cimraysiga, waxaa ku hoos jira shaxaad dhaqaale oo ay u badan tahay in wax loosoo dhiibo oo uusan fara marnaan kusoo noqon Sida Dhaqanka Siyaasiyiinta Soomaalida sanadahaan dambe laga bartay.

Dowladda Sacuudiga ayaa qayb ka ahaa Dowladaha kabi jiray Miisaaniyada Dowlada Fadaraalka, balse markii dambe hakad galiyay, kadib markii Maamulka Fashilmay Ee Farmaajo uu ku Fashilmay inuu wakgtigeeda ku qabto Doorasho isla markaasna uu sameystay muddo Kordhin sharci darro ah.

Dowladda ayaa ka gaabisay iney bixiyo gunooyinka Shaqaalaha Dowladda iyo Ciidamada 2-dii bilood ee u dambeeyay, Ilo xog ogaal ah, ayaa xaqiijinaya in qeylo dhaantii Wasiir Beyle ee ahaa waxba mahayno oo Sagxadaan taaganahay uu ahaa mid marin habaabin ah oo lagula baxayay xoogaagii khasnadaha ku harsanaa oo lagu qiyaasay 15-millions US$.

Mas’uul kasta oo Dowladda xil ka hayay ayaa la sheegay inuu qaatay xoogaagii uu hayay, taasoo horseeday in Ganacsatada Magaalada Mogadishu ay joojiyaan siinta Canshuurta Dowlada Fadaraalka, dekedana ay xiranto.

117510cookie-checkSafarka Rooble Ee Cimrada Maxaa Ku Wehliya