Imaaraadka oo Garoon Diyaaradeed Oo Qarsoodiya ah ka dhistey Afaafka Djibouti

Somalia news

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Djibouti ayaa sheegaya in Imaaraadka iyo Sacuudiga muddo dagaalo ka waday muddo 6-sano ah Dalka Yemen kaasoo geystay khasaare balaaran isla markaasna ku fashilmeen iney horumar ka gaaraan. ayaa bilaabay Garoon diyaadadeed ka dhisaan afaafka hore Ee marinka Baab al-Mandab..

Xogo laga helay ilo wareedyo ayaa sheegaya in Ciidamada UAE ay Garoonkan diyaaradeed oo Ciidan ka dhiseen afaafka marinka gaaban ee u dhexeeya Djibouti iyo Taman, iyadoo si qarsoodi ah looga dhisay Garoonkaasi oo Dalka Djibouti u jira qiyaastii 20-KM, lamana arkin maraakiibta keenaysa ciida iyo sibidhka oo macnaheedu yahay inay bakhtiiyeen isgaarsiinta markey aadayeen.

Si kastaba ha ahaatee dhismaha Garoonkaan diyaaradeed ayaa ka dhigan in xulafada Maraykanka iyo Yuhuuda ay u isticmaali doonaan Garoonkaan islamarkaana ay ka ilaashadaan dhaqdhaqaaqyada Badda iyo biriga Marinka Bab Al-Mandab, Waxayse fursad u tahay Xuutiyiinta Yaman inay weerarto garoonkaas ayna burburiso si aan looga soo duulin.

121490cookie-checkImaaraadka oo Garoon Diyaaradeed Oo Qarsoodiya ah ka dhistey Afaafka Djibouti