Xoogaga Amaanka Puntland Oo Burburiyay Fariisimo

Somalia news

Wararka naga soo gaaraya Degaanada Buuraleyda ee Gobolka Bari ayaa sheegaya in Xoogaga Amaanka ee Puntland ee PSF, ayaa shaaciyay in ay hawlgal qorshaysan ku dileen Horjoogayaal ajnabi ah, oo ka tirsan kooxda Daacish ee ku sugan Gobolkaasi….

War ka soo baxay Ciidanka PSF, ayaa lagu sheegay in hawlgalkaas lagu dilay Khaalid Jaamac Usmaa oo u dhashay waddanka Pakistan, islamarkaana kamid ahaa Horjoogayaasha Muhaajiriinta ee kooxda Daacish.

Hawlgalka oo laga fuliyay togga Il-cameyra ee buuraleyda Calmiskaad ee Gobolka Bari, waxa sidoo kale lagu dilay in ka badan 20 xubnood oo ka tirsan Daacish, sida lagu caddeeyay warka PSF, Sidoo kale, waxa hawlgalkaas lagu burburiyay xaruntii dhexe ee kooxda Daacish ku lahayd togga Il-cameyra, halkaas oo hub iyo raashin ugu kaydsanaa.

121460cookie-checkXoogaga Amaanka Puntland Oo Burburiyay Fariisimo