Maxaa Laga Fahmay Xiriirka Dhalanteedka ah Ee Somalia & Ethiopia

Somalia news

Xiriirka Dhalanteedka ah Ee Ethiopia iyo Somalia ayaa soo jiitamaayay ilaa 2006-dii, wuxuuna soo bilaawday kadib markii Col.Cabdullaahi Yuusuf Oo taageero Ciidan weydiistay si uu Maamulkii Maxkamadaha Oo Caasimadda ka talinaayay looga saaro Magaalada Mogadishu, Waxaana Caasimadda qabsaday Ciidamo Ethiopian ah..

Hase yeeshee Xiriirka labada Dal ayaa wuxuu soo maray laba heer, waa marka Hore ee Ciidamadii Ethiopia ayaa dalka lagaga saaray heshiis 2009kii, xoogaggii iska-caabbinta ayaa xukunka la wareegay. Labada dal waxay yeesheen xiriir aan dhaafsiisnayn mid diblomaasiyadeed. Dowladdii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa heshiis laba-geesood ah awgiis dib ciidammada Ethiopia dalka ugu soo celisay si ay Kooxda argagixisada Shabaab ula dagaallamaan, inkastoo uusan qorshahaasi dhafin halkii uu ka bilaawday.

Khubarada ku xeel dheer Arrimaha labada Dal ayaa aaminsan in Xiriirkaas wuxuu gaaray heer Hey’ad Cilmi baaris (think tank) u qareento Madaxweyne Xasan Sheekh oo taliskiisu xiriir dhow la lahaa TPLF xilli Somalia isu diyaarinaysay doorasho dadban.

Doorashada kadib ayaa waxaa talada Dalka la wareegay Farmaajo Oo xiligaasi Olole (Waddaniyad Iska yeel) balaaran oo laab-la-kac ku dhisan ku jahwareeriyay Shacbiga Soomaaliyeed isagoo eedo u jeediyay Ethiopia, gaar ahaan Kooxda TPLF, kadibna bilaabay Sanadkii 2018-kii, markii uu talada qabtay Mr.Abiy Axmed, inuu soo dhoweysto isla markaasna Heshiiska Is-dhaxgalka (Ethiopia, Eritrea iyo Somalia) aan Shacbiga laga tashan la saxiixdo.

Hindisahaan dhaqaale oo aan dan u ahayn Somalia waayo suuqyada Ethiopia way ka xiran yihiin Ganacsatada Soomaaliyeed halka suuqyada Dalka u furan yihiin Ganacsatada Oromada, Dib u xusuuso Oggolaanshaha Qaadka Ethiopia ee Xasan Farmaajo, Faraqa u dhexeeya TPLF iyo xisbiga Abiy Ahmed samaystay, Prosperity, waa in Tigreegu iska dhowri jiray hadallo soo nooleyn kara colaaddii labada dal dhex martay.

Abiy Ahmed ayaa marar badan ka hadlay colaadda Somalia & Ethiopia, isagoo xitaa koox Amxaaro ku dhiiri geliyay iney isku dayaan inay Kaaramardha ku xafladeeyaan, iyagoo wax u dhimaya dareenka Qaranimadoonka Soomaaliyeed,  Xagjirka Amxaaradu waxay TPLF ku eedeeyaan in ururkaasi qiray dhulka Soomaalidu deggan tahay oo Ethiopia gacanta ku hayso. Amxaaradu waxay u arkaan Dowlad Deegaanka Soomaalida maamul taageeraya mowqifkii Somalia dagaalka kula gashay Ethiopia.

Maxaa Ka Haboon Siyaasiyiinta Soomaalida:

Waxaa habboon in Siyaasiyiinta Soomaaliyeed ee Heer Federaal iyo Maamul ay yareeyaan ku tiirsanaanta Ethiopia dhanka Amniga iyo ka shidaal qaadashada Siyaasada, Isbeddelada siyaasadda Ethiopia waxaa la socda siyaasado saameyn ku yeesha Dalka waayo Soomaalidu weli ma yeelan dowlad ku filan nabadgelyada dalka. Awood-darridani waa mid ay wax ka dheefaan dalal badan sida kuwa Somalia u soo dirsaday ciidammada ka tirsan AMISOM.

Dooddeennu hadda waxay maraysaa: yaa roon TPLF ama Abiy Ahmed Oromada Weger tani waa ka waasacan.

149810cookie-checkMaxaa Laga Fahmay Xiriirka Dhalanteedka ah Ee Somalia & Ethiopia