Isbaheysiga Egypt, Eritrea & Somalia Xiligaan Dalka Dan ma u yahay Maxaase Dowlada La Gudboon…

Somalia news

Warbixino hordhac ah ayaa daaha ka rogaaya in Dowladda Egypt ay Todobaadyada soo socda martigalinaysa Kulan ujeedadiisu tahay Isbaheysi Ciidamo oo ka dhan ah damaca Ethiopia ee ee Dhul/Xeeb boobka Geeska Afrika, Kulankaan oo ay ku boohabayaan Dalalka Eritrea, Egypt iyo Somalia, iyadoo layska kaashanayo Iskaashiyada Ciidamada iyo Difaaca…

Ilo wareedyo loo qaateen ah ayaa tilmaamaya in Kulankaasi kadib, Madaxweynaha Somalia u Safar shaqo ku tegi doono Dalka Qatar isla markaasna uu ka codsan doono Taageero isugu jirta Garab iyo Gaashan, si xeebaha Somalia looga difaaco Maamulka Abiy, Villa Somalia ayaa aad uga shakisan mawqifka UAE ee Arrimahaan, iyadoo Madaxweynuhu u yaqiinsanaa UAE saaxiibka 1-aad ee Maamulkiisa.

Xogo ayaa daaha ka rogaaya in Safarkii uu dhawaan ku yimid magaalada Mogadishu Agaasimaha CIA Mareykanka ayaa ujeedadiisu xambaarsaneyd in Somalia culeys lagu saaro ineysan ka mid noqon Isbaheysigaasi, isla markaasna Xiisada lagu xaliyo Bi-lateral (Ethiopia & Somalia) USA ay fududeyneyso dhicida Kulanka.

Sooyaalka Taariikheed ee Reer Galbeedka ma jirto meel ay kaga shaqeeyeen Dunida Dal Dan u fuliyaan, laga soo bilaabo waqtigii xurnimada aanu qaadannay ilaa maanta aan joogno, Maamulkii Siyaad Barre ayeey lugooyeen, Ku darsoo Somalia xiligaan ayeey ugu baahida badan tahay, maxaa yeelay ma jirto Awood Dowladeed oo dhisan, waxeyna baahi weyn u qabtaa iney hesho taaageero Qalab Ciidam iyo mid Dhaqaalaba maadaama laga qaaday cunaqabateeyntii hubka, arimihii Deyntana laga cafiyay balse USA marnaba ma dooneyso in Somalia military ahaan isku filnaato.

302180cookie-checkIsbaheysiga Egypt, Eritrea & Somalia Xiligaan Dalka Dan ma u yahay Maxaase Dowlada La Gudboon…
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com