Xildhibaan Yuusuf Xasan & Ganacsatada Islii Eedeyn u Jeediyay Xoogaga Amaanka Nairobi..

Africa News Somalia news

Wararka naga soo gaaraya magaalada Nairobi ayaa sheegaya in Howlgalo ay fuliyeen Xoogaga Amaanka ayaa lagu bartilmaameedsaday Goobo ganacsi oo ku yaala Xaafada Islii ee Magaalada Nairobi, waxaana la arkayay ganacsatada iyo Xildhibaanada Degaanka oo ka biyo diiday sharci ahaanshahooda Howlgalkaan…

Hawlgalladan oo ujeedadoodu ahayd la-dagaalanka ka Ganacsiga badeecadaha sharci-darrada ah ee sida caanaha booraha ah, ayaa waxa ka dhashay khasaare Maaliyadeed oo aad u balaaran, kadib markii ay Xoogaga Amaanka ay farateysi iyo Dhac Lacageed ku kaceen, waxana walaac laga muujiyey ku xad-gudubka Shuruucda Dalka.

Xildhibaan Yuusuf Xasan oo ka tirsan Baarlamaanka Dalka oo ay wehliyaan Ururka Ganacsatada Xaafadda Eastleigh ayaa si weyn uga soo horjeestay howlgalladan, isagoo muujiyay inaysan jirin wax sharci ah iyo qaabkii xoogga ahaa ee loo qaaday, wuxuuna sheegay “Saraakiisha oo hubaysan iyo Dhar cadka ah ayaa xoog ku galay Meheradaha iyagoo aan la aqoonsanayn ama aan soo bandhigin wax waaran sharci ah,” ayuu yiri Xasan oo carrabka ku adkeeyay iney iska indhatireen hanaan-fulinta Sharciga ah.

Murankaan waxaa udub dhexaad u ah iibinta Caanaha Budada ah wax soo saarka guud ee suuqyada Islii, kaasoo Maamulku uu ku tilmaamay inuu yahay Suuq-madow, Si kastaba ha ahaatee, Xildhibaan Xasan ayaa wuxuu sheegay in aanay jirin sharci hadda caddaynaya mamnuuciddaasi, isagoo soo jeedinaya ajande aan la shaacin oo ka dhan ah Caanaha, “Dalkeena waxaa lagu maamulaa sharciga, wax kastoo mamnuucana waa inuu noqdaa mid sifo sharci ah ku dhisan,” ayuu yiri, isaga oo ku baaqay in la muujiyo hufnaan iyo in la ilaaliyo sharciga ah.

308850cookie-checkXildhibaan Yuusuf Xasan & Ganacsatada Islii Eedeyn u Jeediyay Xoogaga Amaanka Nairobi..