Madaxda Maamulada Konfur galbeed & Jubbaland oo Kulamo Tuhun Dhaliyay ka Wada Nairobi..

Somalia news

Wararka naga soo gaaraya magaalada Nairobi ee Dalka Kenya ayaa sheegaya in Madaxwaynayaasha Maamul-Goboleedyada ee Jubbaland iyo Konfur Galbeed ayaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya ka wada Kulamo kala duwan oo tuhun badan dhaliyay, xilli Dalka Dhulkiisii iyo Xeebtiisii Ethiopia ay boobeyso..

Labadaan Madaxwayne ayaa maalmihii ugu dambeeyay la kulmay Diblomaasiyiin ka soo jeeda Dalal intooda badan Ethiopia ku taageersan damaca ay ku raadineyso badda Somalia, Waxa ay qabsadeen shirarka labada Masu’ul baraha bulshada waxaana la sheegayaa in tani mugdi ay galisay xiriirka Xasan Sheekh iyo labada Madaxwayne ee Laftagareen iyo Axmed Madoobe.

Ilo wareedyo loo qaateen ah ayaa daaha ka rogaaya in Laftagareen iyo Axmed Madoobe ay Nairobi ku tageen qorshe ay wadato Ethiopia, ku darsoo waxaa kaloo la hadal hayaa in Mr.Deni uu aad ula dhacsan yahay Khilaafka Somalia iyo Ethiopia, isagoo xaflada 23-ka Bishaan ku martiqaaday Wafdi Ethiopian ah.

302230cookie-checkMadaxda Maamulada Konfur galbeed & Jubbaland oo Kulamo Tuhun Dhaliyay ka Wada Nairobi..