Dib u Dhac ku Qorshe la Xiriira Ciidamada ATMIS ee Somalia

Africa News Somalia news

Hogaanka ATMIS ee Ciidamada Midiwga Africa ayaa soo saaray go’aan ay dib ugu dhigayaan iney Ciidamadooda kala baxaan Somalia, go’aankaan ayaa saameyn ku yeeshay Ciidamada KDF ee Kenya kuwaasoo horey loo qorsheeyay iney qeyb ka mid ah kala baxaan Degaanada Jubooyinka…

Wararka ayaa sheegay in dib u dhaca ka bixitaanka Ciidamada uu u sahlaayo iney si waafi ah u garab istaagaan dhiigooda Somalia si looga hortagga Kooxda argagixisada Shababka, inkastoo shaki badan laga myujiyay Howlgalada Ciidamada Midowga Africa.

Go’aanka lagu kordhiyay joogitaanka Ciidamadaan ayaa la rumeysan yahay iney codsatay Dowladda Federaalka, kadib markii dhowaan ay shir ku yeesheen Madaxtooyada Somalia, Ciidamada AU-da ayaa lagu waday iney Dalka ka saarto 2000 Ciidan laga bilaabo Bisha Decembar Sanadkaan.

227480cookie-checkDib u Dhac ku Qorshe la Xiriira Ciidamada ATMIS ee Somalia