Iyadoo xiligaan lagu guda jiro u diyaar garowga u dareerida Doorashada ayna aad u badan yihiin eedaha iyo far isku taagida, hadana ku cel celinta hal dhaliil ayaa waxey muujineysaa in Maamulka Farmaajo ay dhab tahay eedaha loo soo jeediyay….
Tan iyo intii Uu Xilka qabtay, waxaa soo shaac baxaayay dhaliilaha loo jeedinaayo Mr.Farmaajo taasoo ay ugu horeeyso Kali-talisnimo iyo eex, wuxuuna ku soo koobay Maamulkiisa Qaraabadiisa iyo Taageerayaashiisa, wuxuuna ku dhiiraday inuu qabto Doorasho Hal dhinac ah, iyadoo laga dheregsan yahay in Go’aankaasi uu dalka u horseedi karo Dagaal Sokeeye.
Madaxweynaha Dowlad goboleedka Jubbaland Sheekh Axmed Madoobe Ayaa sheegay “ Somalia hadey xamili karto Kalitalisnimo, anigaa iri iyo sidaan ha la yeelo, ma aaney burburteen dhibaatada maanta geysatana soo ma gaarteen”. Sidoo Kale Madaxweynihii Hore Xasan Sheekh ayaa sidoo kale ka digay in aan Dalka loo horseedin burbur.
Dhabaa jabka ku yimid dadaalada Nabadeed, ayaa lagu fasiray in Dhaqanka kalitalisnimo ee Mr.Farmaajo iyo tanaasul la’aanta ay muujineyso inuusan xiligaan Dalka cagaha la galo qalalaase siyaasadeed iyo xasilooni darro, waxeyna sii xoojineysa hubti La’aanta ku aadan in Doorashooyinka ay wakhtigooda si nabad ah ku dhacaan si wada oggol ah