Xarun Warbaahineed Oo La Xiray

Somalia news

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa howlgal ay fuliyeen Ciidamada Boliiska Puntland, xalay, waxeyna xoog ku galeen Xarunta Telefishinka STN ee Magaalada Garoowe, iyagoona albaabada isugu laabay, kadib baaris…

Tallaabada albaabada la isugu laabay Xarunta STN TV ayaa timid, maalin kadib markii Wariyayaasha ay dadweynaha wax ka weydiiyeen khudbaddii Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni uu habeenkii Axadda ka jeediyay Xarunta PDRC ee Magaalada Garoowe.

Saraakiisha Amaanka Ciidamada howlgalka fuliyay ayaa horey u sii watay mid ka mid ah Wariye-yaasha ka hawlgala telefishinkaasi, oo lagu magacaabo Cabdifitaax Jilib, Wariye Aadan Suureyste oo ka tirsan Telefishinka STN ayaa sheegay, ka dib markii ay baahiyeen ra’yiga dadweynaha lagu amray in ay joojiyaan, isla-markaana ay muuqaalka ka saaraan barraha bulshada.

98010cookie-checkXarun Warbaahineed Oo La Xiray