Kenya Dib uga Fiirsaneysa Heshiis ay horey ula gashay Maamulka Abiy ee Ethiopia & Sababta…

Africa News

Wararka naga soo gaaraya magaalada Nairobi ee Dalka Kenya ayaa sheegaya in Maamulka Ruto ayaa dib uga fiirsanaaya heshiis dhinaca Korontada ah oo ay horey ula gashay Ethiopia, iyadoo lagu sababeeyay ineysan xiligaan Maamulka Addis abeba uusan buuxin shuruudihii la kala saxiixday qaarkood..

Wararka ayaa sheegaya in Maamulka Abiy ayaa la tilmaamay inuu wajahaayo dhowr caqabadood oo u saamixi waayey soo saarista awood ku filan iney koronto dibedda u dhoofiso, taaso Dowlada Kenya ku qasbaysa inay dib uga fiirsato heshiiskaasi, Heshiiskaasi ayaa dhigaya muddo 25 sano ah  in Ethiopia ay Kenya ka iibiso koronto, sida u sheegay Madaxa Hay’adda Kenya qaabilsan tamarta iyo shidaalka (EPRA), Daniel Kiptoo oo la hadlay wargeyska The EastAfrican.

Wararka ayaa intaasi raacinaaya in haddii uu fashilmo Heshiiskaan wuxuu saameyn ku yaalanaya qorshaha ay Ethiopia ku doonayso inay gobolka ku faafiso korontadeeda, si ay dhaqaalo badan uga sameyso, iyadoo horey heshiisyo ula gashay Dalka Djibouti iyo Maamulka Gobolka Waqooyiga ee Somalia.

321570cookie-checkKenya Dib uga Fiirsaneysa Heshiis ay horey ula gashay Maamulka Abiy ee Ethiopia & Sababta…
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *