Cabsi Dagaal iyo Hub Uruursi ka Taagan Degaano ka tirsan Puntland & Sababta..

Somalia news

Warar hordhac ah ayaa tilmaamaya in Degaano ka tirsan Maamul Goboleedka Puntland laga soo sheegaayo iney ka taagan tahay cabsi dagaal iyo Hib uruursi, kadib markii ay cirka isku sharwwrtay Xiisadaha ka dhashay muranka qabashada doorashada degaanka si wadar oggol ah…

Xog loo qaateen ah ayaa sheegeysa in Mr.Deni uu kahor hadal-jeedintiisa la kulmay Guddoonka Baarlamaanka iyo Guddiga Doorashooyinka Puntland (PEC) wuxuuna ku amray soo jeedinta iyo meelmarinta muddo kororsi 4 bilood ah, taasoo sal looga dhigayo qabashada doorasho qof iyo cod ah. Isagoo ballanqaaday difaaca damaciisa iyo in awood uu ku qaadsiinayo mucaaradka diidan qorshihiisa, isagoo Magaalada Garoowe ku soo uruursaday Maleeshiyaad hubeysan.

Deni ayaa u wareejiyay Xafiiskiisa shaqo xerada Ciidamada 54aad ee duleedka Madaxtooyada Garoowe, taasoo saldhig u ah saraakiisha sare ee ciidamada Daraawiishta Puntland, kooxaha mucaaradka ayaa dhankooda ka wada abaabul ciidan iyagoo qeybsaday ciidamo iyo gaadiid dagaal oo looga hortago Mr.Deni, Magaalooyinka Garoowe iyo Boosaaso ayeey qorsheeyeen mucaaradku in lagula dagaalamo Siciid Deni, waxaana siyaasiyiinta goofku qaateen mas’uuliyadda dagaal ee lagu wajahayo ciidamada Deni ku diyaarinayo Garoowe.

25-sano kaddib, Shacabka Puntland ayaa qaba walwalka dagaal baahsan oo ka dhaca deegaanka, iyadoo ay muuqato in Odayaasha dhaqanka ee degaanada ku guuldareysteen in mowqif mid ah ay ka gaaraan xaalada cakiran ee siyaasadda, lana kala safan yihiin dhinacyada is haya.

282660cookie-checkCabsi Dagaal iyo Hub Uruursi ka Taagan Degaano ka tirsan Puntland & Sababta..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com