Maamulka Gobolka Oo soo saaray Amaro lagu Joojiyay Duulimaadyadii Tagi jiray Gedo..

Somalia news

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa Qoraal la sheegay inuu soo saaray Gudoomiyaha Gobolka Gedo, kaasoo hakad galiyay Guud ahaan duulimaadyadii tagi/ka imaan jiray degaano ka tirsan Gobolka, isagoo ugu baaqay Maamulada Diyaaradaha iney dhaqan geliyaan amarkaan oo aan la ogeyn sida loo fulin karo..

Wararka ayaa sheegay in Qoraalka oo habka loo qoray ay tayadiisu hooseyso, ayaa lagu xusay in Wax duulimaad ah aan loo ogolaan doonin iney ka soo degaan Garoommada diyaaradaha ee ku yaala magaalooyinka iyo degmooyinka kala duwan ee Gobolka Gedo ilaa amar dambe, Go’aanka lagu mamnuucay dhammaan duullimaadyadii u safri lahaa gobolka #Gedo ee Soomaaliya ayaa yimid kadib amar ka soo baxay guddoomiyaha gobolka #Gedo oo ku wajahan dhammaan guddoomiyeyaasha degmooyinka Gobolka.

Sidoo kale, Go’aankan ugu dambeeyay ayaa kusoo beegmaya iyadoo shaqaaqo ay horey ugu dhacday gudaha Garoonka Diyaaradaha ee degmada Doolow kadib markii Ciidamada NISA ay ka hor istaageen in diyaarad ay ku degto garoonka diyaaradaha ee Doolow, Xoogagaan ayaa weli aamisan iney ka amar qaataan Maamulkii Farmaajo

258540cookie-checkMaamulka Gobolka Oo soo saaray Amaro lagu Joojiyay Duulimaadyadii Tagi jiray Gedo..